Sign in to follow this  
Deeq A.

Robert Mugabe Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Robert Mugabe, oo dalka ku yaalla Koonfurta Afrika ee Zimbabwe xukumay 37 sano kadib dhammaadkii xukunka caddaanka laga tirada badan yahay, ayaa maanta geeriyooday.

Waxa uu ahaa 95 jir.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashadiisa, hase yeeshee caafimaadka Mugabe ayaa sii xumaanayey tan iyo markii xukunka laga tuuray sanaddii 2017.

Mugabe ayaa ka tagay dhaxal cakiran kadib 37 sano oo ah xukun ay kusii kordheysay kali-talisnimo.

Sanadihii uu da’da yaraa, waxa uu hoggaamiyey dhaq-dhaqaaq jabhadeyn ah oo horseeday madax-bannaanida Zimbabwe. Waxaa xilligaas lagu qeexay halyeyga xoriyadda ee gudaha iyo dibedda ee mustacmaraddii British-ka ee mar loo yaqiin Rhodesia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this