Deeq A. Posted September 6, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Shaakir, ayaa waxa uu bogaadiyey dedaaladda dhinacyo kala duwan oo ay maamulkaasi ka wado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Isaga oo ka hadlayey furitaanka shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedkaasi, Sheekh Shaakir ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in ay ku garab taagan yihiin xukuumadda sidii loo dardargelin howlahaasi. Mr Shaakir oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo gulufka AlShabaab looga saarayo qaybo kamid ah maamulkaasi oo ay haysato. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo magaaladda Dhuusamareeb la geeyay ciidamo ka socda federaalka, kuwaasi oo bilaabaya dhowaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo xorreynta degaano horleh. View the full article Share this post Link to post Share on other sites