Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan oo ku dhawaaqay xukuumad cusub.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdalla Xamdook, ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay xukuumaddiisa cusub tan iyo markii lagu dhawaaqay xukuumadda kumeel gaarka ah ee dalkaasi maamuli doonta mudada saddexda sano ah.

Wasiirada waxaa kamid ah Asma Cabdallah oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda dalka Suudaan, waxayna noqon doontaa haweeneydii ugu horeysey ee xilkaasi ka qabata Suudaan.

Dhanka kalena, Jamaal Cumar oo janaraal ka tirsan ciidammada ayaa noqonayaa wasiirka gaashaandhigga halka El-Trafi Dafallah oo horey u ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha.

Taliska milatariga dalka Suudaan iyo dhinacyadii shacabka ee xukunka ka tuuray Cumar Xasan Albashiir ayaa dhowaan ku heshiiyey dowlad wadaag ah oo Suudaan maamuli doonta muddo 3 sano ah.

PUNTLANDPOST

The post Ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan oo ku dhawaaqay xukuumad cusub. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this