Deeq A. Posted September 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Fiqi oo wareysi siiyey goor dhow ayaa sheegay in Maxkamada ICJ ay dib u dhigtay mudo laba bilood ah dacwadda badda ee laga gudbiyey Kenya. Danjire Cali Fiqi ayaa sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto bisha November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar. Safiirka ayaa muujiyey in Maxkamada ICJ ay ka xun tahay go’aankan balse ay ku gaartay codsi ka yimid Dowladda Kenya kaasi oo ay ku codsatay in dacwada dhageysigeeda dib loo dhigo mudo Sanad ah balse Maxkamadda aanay ka ogolaan. Go’aankan Maxkamadda ICJ kasoo baxay ayaa ka dhigan in Maxkamaddu aysan fulin dalabkii Dowladda Kenya ee Baddeena nagu heysata maadaama ayagu ay codsadeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo oo kaliya Laba bilood dib loo dhigay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites