Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo soo dhaweysay shirka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledwayne (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxa uu soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmay magaaladda Dhuusamareeb.

Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kulanka uu rajeynayo in ay kasoo baxaan qodobo mirdhal oo dan u ah guud ahaan geyiga Soomaaliyeed iyo waliba gobolka Geeska Afrika.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in uu sidoo kale bogaadinayo dedaaladda xukuumadda federaalka ay ku dhiseyso Galmudug loo dhan yahay oo horumarka dalka qayb ka qaadata.

Shirkan oo uu daah-furay ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa uu socon doonaa maalmo ah, wuxuuna gogol xaar u yahay shir kale oo ay awoodaha ku qeybsan doonan guud ahaan beelaha dega maamulkan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this