Deeq A. Posted September 6, 2019 Beledwayne (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa waxa uu soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmay magaaladda Dhuusamareeb. Waare oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kulanka uu rajeynayo in ay kasoo baxaan qodobo mirdhal oo dan u ah guud ahaan geyiga Soomaaliyeed iyo waliba gobolka Geeska Afrika. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in uu sidoo kale bogaadinayo dedaaladda xukuumadda federaalka ay ku dhiseyso Galmudug loo dhan yahay oo horumarka dalka qayb ka qaadata. Shirkan oo uu daah-furay ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa uu socon doonaa maalmo ah, wuxuuna gogol xaar u yahay shir kale oo ay awoodaha ku qeybsan doonan guud ahaan beelaha dega maamulkan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites