Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya miyey dhex-dhexaadineysaa DF iyo A/Madoobe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu beeniyay in dowladda Itoobiya ay u kala dab-qaadeyso dowladda iyo Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shaaciyey in ay wadaan olale balaaran oo ka dhan ah ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo sharci daro ku jooga waddanka.

Mr Jeesow ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in Axmed Madoobe uu galay dambiyo kala duwan, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xusul-duub ugu jirto sidii ay cadaaladda u soo taagi lahayd.

Ugu dambeyntii, shacabka Soomaaliyeed ayuu ku tartarsiiyey in ay garab istaagaan dowladooda, isaga oo sheegay kalsooni weyn ka muujiyey in dhabaha uu haatan dalku ku socdo ay horseedi doonto horumar.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Qiimaha.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this