Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo guushii ugu horreysay ka gaartay dhacdada ugu weyn kubadda cagta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15677081172444982.jpg?w=1000&ssl=

Xulka kubadda cagta dalkeena Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray heerka kowaad ee isreeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka 2022.

Xulka qaran Soomaaliya ayaa caawa 1-0 ugu awood sheegtay xulka dalka Zimbabwe, kulankii lugta kowaad oo dhacay dalka Jabuuti oo marti galinta wakiil ugu ahayd Soomaaliya.

Ciyaaryahanka Anwar Siciid Cali (Shakunda) ayaa xulka Soomaaliya kubbad madaxa ugu dhaliyay daqiiqadii 87-aad ee dhaamaadkii ciyaarta.

108632662_c56b3ca8-4322-4474-9d01-bb47e1Xulka Soomaaliya oo dabaal-degaya

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka adduunka ay guul ka gaarto, tan iyo markii la asaasay tartankan 1930-kii.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka ayaa u hambalyeeyey xulka qaranka, sidoo kale shacabka ayaa aad ugu hambalyeynaya guusha taariikhiga ah.

Kulan lugta labaad ayaa dalka Zimbabwe ka dhici doona 10-ka bishan September ee todobaadka dambe, waxaana Soomaaliya haddii ay soo baxdo u gudbi doontaa is araga labaad ee isreeb-reebka koobka adduunka.

Koobka adduunka 2022, waxaa marti galintiisa horey ugu guuleystay dal yaraha Qadar.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo guushii ugu horreysay ka gaartay dhacdada ugu weyn kubadda cagta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this