Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo guul weyn ka gaartay cayaar ka mid ah is reeb-reebka koobka adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray cayaar ka mid ah kuwa wareegga koowaad ee loogu soo baxayo koobka kubadda cagta adduunka ee 2022.

Soomaaliya ayaa lugta koowaad ee wareegga koowaad ee cayaaraha is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2022 waxay 1-0 uga badisay Zimbabwe. Cayaartaas ayaa waxay ka dhacday dalka Jabuuti oo matala guriga Soomaaliya.

Lugta Labaad ee cayaarta ayaa sideedda bishan oo ah maalinta axadda ka dhaceysa dalka Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa lugta labaad ee cayaartan u baahan inaan laga adkaan ama ay goolal dhaliso balse aan looga adkaan farqi aan ka badneynd hal gool, si ay ugu gudubto wareegga labaad.

Guushan ayaa ah mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee Soomaaliya ay gaarto tan iyo xiligii burburka dowladda dhexe.

Zimbwe ayaa waxay Soomaaliya ka sareysa 90 darajo, marka ay noqoto qiimeynta kala horeynta xulalka ugu wanaagsan caalamka ee FIFA. Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 202, halka Zimbabwe ay ku jirto 112.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this