Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Mar Kale Guul-Darro La Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa mar kale maanta waxaa asiibay guul-darro culus kadib markii walaakiis uu ku dhowaaqay inuu iska casilay xil wasiir ku-xigeen iyo xubinnimadii baarlamanka.

E759D49A-2155-4522-8735-D53670026A0B_w10

Jo Johnson ayaa is-casilaaddiisa soo dhigay twitter-ka, waxaana uu sababta ku sheegay iska hor-imaanshaha danta qoyska iyo tan qaranka.

“Toddobaadyadii dhowaa waxaan u kala qeybsanaa u daacad ahaanshaha qaranka iyo qoyska, waana xiisad aan la xalin karin, sidaas darteed waa xilligii ay dad kale la wareegi lahaayeen xubinnimadeeda baarlamanka iyo wasiirnimo” ayuu yidhi Jo.

Weli ma cadda, haddii ka tagista Jo ee baarlamanka ay macnaheedu tahay inuu deg deg uga tagay ama in aanu raadin doonin in dib loo soo doorto.

Is-casilaaddiisa ayaa imaneysa xilli walaalkiis uu dhowaan 21 xildhibaan ka eryey xisbiga Conservative-ka, oo ku kala qeybsan qorshaha ra’iisul wasaaraha ee ka bixitaanka Midowga Yurub ayada oo aan heshiis la gaarin.

Boris Johnson ayaa arbacadii waxaa asiibay guul-darro kadib markii baarlamanka uu u codeeyey sharci dowladda ku qasbaya inay Midowga Yurub weydiisato in dib loogu dhigo ka bixitaanka ururka oo la waqtiyeeyey 31-ka October.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this