Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Xoog Leh Oo Ka Kacay Dekedda Berbera.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararka aanu ka helayno magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa ay sheegayaa in goor-dhawayd uu Dab xoog leh uu ka kacay mid ka mid saddex wiish oo casri ah oo ay shirkadda DP World ku soo kordhisay dekedda Magaalada Berbera.

so-762x1024.jpg 78b47695-7fd8-44ad-af5a-0fce38216d50-768

Dabkan oo si xawli ah u socda ayaa waxa laga cabsi qabaa in uu intaa ka sii ballaadho waxaana la tacaalaya maamulka iyo shaqaalaha dekedda Berbera, walow uu dibku wali socodo sida uu ku warramayo wariyaha Somalilandtoday ee magaalada Berbera.

Wiiskan ayaa waxa uu ka mid ahaa saddex uu ay shirkadda maamusha dekedda Berbera DP World ku soo kordhisay si ay u fudaydiyaan koontiinarada iyo alaabta laga soo dejinayo iyo kuwa laga rarajo Dekedda Berbera.

Ma cadda Sababta keentay dab xoogga leh ee ka kacay Wiishan dhawaan lagu soo kordhiyay.

Ma jirto Illaa hadda cid ka hadashay dabkan iyo sababta keentay.

Maaha markii ugu horraysay ee dab ka kaco dekedda Berbera tan iyo intii ay la wareegtay Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World.

Wixii war ah ee ka soo kordh kala soco Somalilandtoday.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this