Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay  qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo xiligaasi ku jiray olole nadaafadeed.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa labo qof, halka ay ku dhaawacmeen  todobo kale oo ahaa dhammaan dad shacab ah.

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.

Awdheegle ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyey ee ay ciidamada Milatariga Soomaaliya kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this