Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dib u eegis ku sameyneyso heshiiskii Seychelles

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda cadaalada ee Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa marka hore beeniyey in maamulkaasi uu sii daayey maxaabiis u xirnaa falal burcadbadeednimo kuwaas oo horay loogu soo xukumay Seychelles.

Maxaabiistaan oo tiro ahaan gaaraya illaa sodon, una badan dhalinyaro ayaa wasiirku waxa uu sheegay inay weli xiran yihiin.

‘‘Dadkaasi burcadbadeeda ah way xiran yihiin is-afgarad u dhaxeeyey Puntland iyo Seychelles ayaa jira, Puntland cidna ma sii deyn, saxna ma ahan arrintaasi.” ayuu yiri wasiir Cawil Sh Xaamud.

Dhanka kale wasiirka cadaalada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay doonayaan in haatan ay dib u eegis ku sameyaan heshiiskaasi, si ugu yaraan wax looga bedalo.

“Annaga oo rabna in aanan jabin heshiiska nagala dhaxeeya Seychelles, haddana waxaan rabnaa in aan sidii hore wax ka bedelno.” ayuu intaasi ku daray wasiirku.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada sida aadka ah ula dagaalama kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida, waxaana ay leedahay ciidamo gaar ah oo ka howlgala xeebaha bari ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this