Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Rasmi Ugu Jawaabtay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Danjiraha Soomaaliya ee midowga Yurub Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa ka hadlay go’aanka rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ee la xidhiidha dalabkii Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dacwada Badda ee maxkamada Cadaallada ICJ oo qorshuhu yahay in 09 bishan September Isniinta toddobaadka dambe la daah furo.

201995637032402760933570Fiqi.jpg

Danjiraha ayaa sheegay in Soomaaliya gaadhsiisay maxkamada fariinteeda la xidhiidha in ay diyaar u tahay dhageysiga dacwadda, isaga oo intaa ku daray inay u diyaaar-garoobayaa Isniinta in ay tagaan maxkamadda laakiin ilaa Jimcaha sugayaan go’aanka maxkamada.


“Tallaabada ay Kenya qaadday waxay dhaawac ku tahay garsoorka iyo in la xalliyo muranka daba-dheeraaday ee dhex yaalla labada dal, mowqifka dowlada Soomaaliyana waxaa uu yahay in cadaaladu shaqeyso oo aan dib loo dhigin dhegeysiga dacwada” ayuu yidhi danjiraha

Kenya ayaa dalabatay dib loo dhigo dacwadda dhageysiga labaad ee dacwada Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, iyadoo taa sabab uga dhigtay in ay qorsaneyso qarreeno cusub oo ku matala doodda maxkamada.

Lama oga go’aanka maxkamada ay ka qaadan doonto taallaabooyinkan iska soo horjeeda ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo ee la xidhiidha dhageysiga dacwada Badda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this