Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Loogu Baaqay In Uu Caddeeyo Halka Ay Ku Maqan Yihiin Muwaadiin U Dhashay Dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Sacuudiga in ay caddeyso halka ay ku maqan yihiin laba muwaadin oo dhashay Qatar kuwaasi oo la aaminsan yahay in bishii hore lagu xidhay Sacuudiga.

1567615626d4aa6.jpg

Labada qof ayaa la waayay badhtamihii bishii hore ee Agoosto, xilli ay safar booqasho ah ay u aadeen qeybo ka mid ah bariga Sacuudiga oo ay ku nool yihiin qoyskooda.

Sida laga xaqiijiyay war saxaafadeed ka soo baxay hey’adda Amnesty ayaa lagu yidhi sababta loo la yahay Cali Naasir Cali Jarallah iyo wiilkiisa oo 17 jir ah oo lagu magacaabo Cabdullahi Cali Naasir, in ay xabsi ku Jiraan.

Dhanka kale warsaxaafadeedka Amnesty ayaa loogu baaqay boqorka Sacuudiga mr Salmaan Bin Cabdi Casiis in uu macluumaad dheeri ah ka bixiyo muwaadiniinta Qatar ee Maqan.

Wiilka iyo aabbihii ayaa dhanka kale la sheegay in ay heestaan dhalashada Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this