Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Koonfur Afrika Oo Helay Meydka Dad Nolosha Lagu Gubay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Johannesburg)-Booliska koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay in laga helay meydka laba qof oo la gubay dukaan ku yaalla magaaladda Alexandra ee ka tirsan caasimada Johannesburg.

1567630667c0ec6.jpg

Tani ayaa ka dhigan in tirada dadka lagu dilay rabshadaha ajaaniib naceybka ah ay gaadhay toddoba qof sida ay booliska Sheegeen.

Haa, waxaan xaqiijin karaa dhimashada laba qof oo nolosha lagu gubay in aan ka helnay xarun ganacsi, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay afhayeenka booliska magaalada Johannesburg, Mr Wayne Minnaar.

Dhanka kale wuxuu intaa ku daray in aan la kala caddeyn karin sababta ka dambeysa dilkaan.

Sida laga soo xigtay Tv-ga maxaliga ah oo lagu magacaabo NCA meydka labada qof ayaa waxaa soo saaray booliska kadib weerar labadii habeen ee la soo dhaafay lagu qaaday xarumaha ganacsi ee dadka Ajaaniibta.

Labada qof ee la dilay ayaa la ogeyn dalalka ay u dhasheen, iyadoo dhibaatada ay sidoo kale saameysay soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this