Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Uu Dhalay Madaxweynihii Hore Ee Masar Maxamed Mursi Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Wiilka ugu yaraa caruurta madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ku geeriyooday dalkaasi Masar, kadib markii uu wadno xanuun ku soo booday.

wiil-uu-740x417.jpg

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mursi oo da’diisu ahayd 24 jir ayaa xanuunku ku soo booday isagoo markaasi watay baabuur magaaladda Qaahir, sida uu sheegay walaalkiisa Axmed Mursi

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa geeriyooday bishii June ee sanadkan isagoo markaasi ku sugnaa Maxkamad ku taalla Magaaladda Qaahir.

Wiilkan ayaa hore ugu eedeeyay Saraakiisha Masaarida Geerida aabbihii, gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Tawfii iyo garsooraha Maxkamada qaadaysay kiiska aabbihii Maxamed Shareen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this