Deeq A. Posted September 5, 2019 Wararka maanta oo Khamiis ah ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo diyaar garow ku aaddan furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Shalay oo Arbaco ahayd ayaa lagu waday in shirkan uu furmo, balse arrimo farsamo ayuu dib u dhacay, waxaana taasi ay keentay in qorshaha furitaanka maanta loo soo wareejiyo. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna furi doonaan shirkan dib u heshiisiinta ah. Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxaana ku sugan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites