Deeq A. Posted September 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay war kasoo saartay weerarada ajaaniib naceybka ee waddanka Koonfur Afrika, kuwaasi oo lagu beegsanayo ajaaniibta ay Soomaalida kamid yihiin. Hoos ka akhriso qoraalka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maalmahan ishaa ku haysa rabshadaha ka dhacaya dalka South Africa oo ay ku noolyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasoo weeraro lagu qaaday sanooyinkii lasoo dhaafay iyo rabshadaha hada dhacayaba ay kasoo gaadheen waxyeelo nafeed iyo mid hantiyeed. Dowlada Soomaaliya waxay ka xuntahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda, waxayna ka codsanaysaa dowlada South Africa inay ilaaliso oo ay damaanad qaado badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda. Ugu danbayn, dowladda Soomaaliya waxay muwaadiniinteeda deggan dalka South Africa ugu baaqaysaa in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika View the full article Share this post Link to post Share on other sites