Deeq A. Posted September 5, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo AlShabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye. Is-rasaaseynta ayaa ka dambeysay markii xoogaga Shabaab ay duulaan ku ekeeyeen fariisin ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka. Inta la xaqiijiyey shan oo ah dhinacyadda ayaa ku naf-waayey isku dhaca oo la sheegay in uu in muddo ah socday. Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalkan oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab. Ciidanka xooga ayaa fariisin ka sameystay duleedka Afgooye si ay uga hubiyaan ammaanka guud ahaan magaaladaasi uu maro webiga Shabeelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites