Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Koonfur Afrika ka dalbatay in ay ilaaliso muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Koonfur Afrika ka dalbatay in ay ilaaliso oo dammaanad qaaddo bed-qabka muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo hantidooda kadib markii ay soo batay weerarada lagu beegsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi deggan.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay maalmahan isha ku haysay rabshadaha ka dhacaya dalka Koonfur Afrika ee ay ku nool yihiin muwaaddiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasi oo sida dowladdu sheegtay sannadihii u dambeeyay waxyeello nafeed iyo mid hantiyeedba ka soo gaartay weerarro lagu beegsaday.

Dowladdu waxay walaac ka muujisay boobka iyo bara-kicinta loo gaysanayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo hantidooda waxaana ay ugu baaqday muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika in ay feejignaan iyo taxaddar dheeriya muujiyan hadba wixii soo kordhana la wadaagan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika.

Hoos ka akhriso qoraalka

WAR-SAXAAFADEED-04-September-2019-saax1-

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Koonfur Afrika ka dalbatay in ay ilaaliso muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this