Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka hadashay Ayax fariistay gobolada Bari iyo Sanaag.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda deegaanka iyo beeraha dowladda Puntland ayaa ka digtey Ayax aad u tiro badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku habsadey deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Sanaag.

Ayaxaan oo ka soo kicitimay wadanka Yemen ayaa ku habsadey beeraha Cawsane, Ceel-lahelay, Raq, Xudeera, Badhan, Hadaaftimo oo dhamaman katirsan gobolka Sanaag iyo deegaamo beereedyo katirsan gobolka Bari.

Wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka, beeraha, isbedelka Cimilada iyo waraabka dowladda Puntland Cabdirashiid Cali Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Badhan ayaa sheegay in Ayuxu uu saamayn ku yeeshay dhammaan deegaamada uu ku habsadey ayna qiimayn ku soo sameeyeen.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in uu hadda duulaan ku yahay deegaamada buuraleeyda ah ee gobolka Bari gaar ahaan aagga Galgala uuna Ugxaan badan ku reebay dhulkii uu horay u fariistay.

PUNTLANDPOST

The post Puntland oo ka hadashay Ayax fariistay gobolada Bari iyo Sanaag. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this