Deeq A. Posted September 5, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay dad shacab ah oo olole nadaafadeed ka waday halkaasi. Ugu yaraan illaa afar qof oo rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda qarax kadib ay gaareen goobta, islamarkaana ay ka sameeyeen baaritaano kooban. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi lala eegtay dadka shacabka ah. Awdheegle oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay geystaan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites