Deeq A. Posted September 5, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee Hantidooda lagu boobaayo dalka Koonfur Afrika. War qoraal ah oo uu Taabid Cabdi Maxamed soo dhigay bartiisa facebook, ayaa waxa uu dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dalbaday in dadkaasi la caawiyo si loo badbaadiyo Naftooda iyo maalkooda. Hoos ka aqriso qoraalka Taabid Boobka iyo dilka lagu hayo muwaadiniinteena ku nool dalka South Africa ee soo laalaabtay ma ahan mid indhaha laga qarsan karo. South Africa waxaan u galnay abaal weyn oo taariikhda Afrika iyo caalamkaba meel uga qoran, maanta in ay muwaadiniinteena sidaas foosha xun ula dhaqmaan waa wax aanan la aqbali karin. Dowladda South Africa, waa in ay si deg deg ah wax uga qabataa gummaadkan aan kala sooca laheyn ee loo geysanayo wallaalahooda Afrikaanka ah ee qeyb ka ah kobaca dhaqaalaha South Africa. Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in ay arinkan wax ka qabato oo ay u dirto wafdi heerkiisu sareeyo si looga dhiidhiyo waxna looga qabto tacadiyadan joogtada ah ee muwaadiniinteena lagu hayo. Sidookalena iskaashi kala sameyso wadamada Afrikaanka kale ee aan dhibtan la waddaagno si ay cabasho wadajir ah ugu wada gudbiyaan Midowga Afrika. Ilbiriqsi walba naf iyo maal Soomaaliyeed baa ku baaba’aya sidaa daraadeed waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmadaa muwaadiniinteena. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites