Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Shabaab oo duleedka Muqdisho ka sameysatay xarun canshuur qaadis

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimada Online) – Iyadoo bilihii u dambeeyay ay Al-Shabaab kor dhiyeen canshuurta ay ka qaadaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa shabakadda Caasimada Online waxay baaritaan ku sameysay hanaanka ay Shabaab canshuurta uga qaadaan shacabka Muqdisho.

Caasimada Online ayaa ogaatay halka uu ku yaallo saldhigga maaliyadda Al-Shabaab oo ay uga yeeraan dadka ku cusub nidaamkooda ee ay diiwaan galinayaan.

Al-Shabaab ayaa saldhig maaliyadeed ku leh meel 15-KM u jirta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana halkaas ugu taga qof kasta oo ay u yeeraan si ay ugu waajibiyaan canshuurtooda bilaha ah.

Qof ka mid ah dadka maalmihii u dambeeyey ay u yeereen Al-Shabaab ayaa Caasimada Online u waramay “Waddo uu Jaay saaranyahay oo ka baxda degmada Deyniile ayaa tagta meesha ay saldhiga canshuurta gobolka Banaadir ku leeyihiin Al-Shabaab”, ayuu yiri ruuxa la hadlay Caasimada Online intii ay waday baaritaankaan.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay canshuur ku bilaabeen Lambarkii ugu dambeeyay ee Taargada gawaarida oo ay bixiso wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya.

Taargada Lambarkeedu yahay A_H oo soo baxday bil ka hor, ayaa xogta ay baaritaankaan ku heshay Caasimada Online waxa ay sheegaysaa in gaadiidka lagu xiray oo dhan dadkii iibsaday looga yeeray duleedka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah dadkii iibsaday ama gatay gaadiid cusub ee ku xirtay Taargada A_H oo ay u yeereen Al-Shabaab una tagay ayaa u waramay Caasimada Online.

Nin ka mid ah dadkaas oo isagu soo iibsaday gaari HOME ah ayaan kasoo xiganeynaa “Markii aan gaariga kala soo baxay Geerishkii la iiga iibiyey oo aan kusoo xirtay Taargada A_H ayaa waxaa isoo wacay Al-Shabaab, waxey igu dhaheen waa adiga soo iibsaday gaariga nuucaas ah magacaaguna yahay hebel-hebel, waxaa lagaa doonayaa canshuurta gaariga ee imaaw xaafiiska maaliyadda Al-Shabaab”.

Waxuu sheegay inuu markaas dareemay walwal iyo cabsi badan, isagoo bilaabay inuu la tashado dad badan, kaddibna looga dhigay wax aan dhib laheyn, isla markaana ay dadka dhan kula taliyeen inuu u hoggaansamo amarkooda oo uu ugu tago halka ay uga yeereen.

“Waxaan nin saaxiibkey ah kasoo qaatay Mooto uu lahaay oo FEKON ah (labo lugooley) uma aana sheegin meesha aan u wadanayo waxaan garaash ku xareystay garigeygii cusbaay waxaan raacay tilmaantodii oo ahayd inaan soo raaco waddada Jaayga la saaray ee ka baxda degmada Deyniile”, ayuu yiri qofka la hadlay Caasimada Online oo aan magaciisa qarinay.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri “Waxaan raacay waddadii ay ii tilmaameen markaan socday qiyaastii 15-KM ayaan u tagay rag iyaga ka tirsan oo waddada geeskeeda uu u yaallo gaari Kaarib ah, waxaan Mootadii aan watay uga tagnay meel keyn ah ama geedo dhexdood ah, waxaan raacay gaarigii ay wateen waxyar markii aan soconay waxay igeeyeen saldhigooda canshuurta”.

Ninkaas waxuu noo sheegay in Al-Shabaab ay ka qaadeen lacag dhan $200 (labo boqol oo Dollar) taas oo sharci u ah Al-Shabaab gor-gortana aysan ka galeyn.

Intii aan wadnay baaritaankaan waxaan ogaanay in qofkii naftiisa uga baqa Al-Shabaab oo ay u cuntami weyso inuu ugu tago goobtooda inay u ogolyihiin in wakiil uu u dirsado, si ay ula macaamilaan una soo fahansiiyaan nidaamkooda canshuurta.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this