Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Haweeneydii ugu horreysay oo xil sare ka qabata dowladaha hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta oo Arbaco ahayd galinkii dambe la shaaciyay liiska cusub ee Golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaas oo ka kooban 28 xubnood oo Sagaal ka mid ah Haween yihiin.

FB_IMG_15676314996883889.jpg?w=1000&ssl=Dhaarintii Golaha cusub degmada Badhan

Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa hogaaminaysay hanaanka doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Badhan, waxaana goob joog ka ahaa wasiiro, xildhibaano, guddoonka gobolka, cuqaal, haween iyo waxgarad.

IMG_20190905_011922.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha degmada Badhan

Golaha cusub ee degmada Badhan ayaa Guddoomiye u doortay Axmed Maxamed Timir oo wareegii ugu horreeyey helay 16 cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Cabdiqaadir Yusuf uu helay 12 cod.

Yaa loo doortay Guddoomiyaha degmada Badhan?

Posted by Puntland Post on Wednesday, September 4, 2019

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka degmada Badhan ayaa ahayd mid xiiso badan, Xaawo Maxamuud Faarax ayaa loolan adag la gashay Shan murashax oo oo Afar ka mid ah rag yihiin, waxayna wareegii saddexaad kaga adkaatay 15 cod musharaxii la tartamayay Xasan Cali Xasan oo helay 13 cod.

Xaawo Maxamuud Faarax Guddoomiye xigeenka cusub ee degmada Badhan,Puntland.

Posted by Puntland Post on Wednesday, September 4, 2019

Guddoomiye ku xigeenka degmada Badhan Xaawo Maxamuud Faarax ayaa noqotay Haweeneydii ugu horeysay oo xil sare ka qabata dowladaha hoose ee Puntland.

FB_IMG_15676288654523660.jpg?w=1000&ssl=Guddoomiye ku xigeenka degamada Badhan

Xaawo waa gabar dhalinyaro ah oo madax ka ahayd urur arrimaha bulshada ka shaqeeya, waxayna aqoon u leedahay maamulka iyo maaraynta oo ay ku diyaarisay heerka koowaad ee jaamacadda.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Haweeneydii ugu horreysay oo xil sare ka qabata dowladaha hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this