Deeq A. Posted September 4, 2019 Muqdisho-(Caasimada Online)-Dagaal xoog leh ayaa caawa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab wadada u galay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo marayey deegaan lagu magacaabo Cumar-dheere oo dhaca duleedka degmada Afgooye. Ciidamada ayaa la sheegay inay ku wajahnaayeen deegaanka Sabiib ee isla gobolka Shabeellada Hoose, kaddibna ay weerar jid gal ah ku qaadeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-Shabaab. Dagaal socday in ka badan saacad ayaa caawa deegaankaas ku dhexmaray labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan ilaa hadda la xaqiijin tiradooda rasmiga ah. Intii uu socday dagaalka ayaa Askar ka tirsan ciidamada dowladda waxa ay gurmad ahaan uga baxeen degmada Afgooye, waxayna halkaas kasoo qaadeen Askar ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka, kuwaas oo ay soo gaarsiiyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Al-Shabaab ayaa dib uga ruuqaansaday deegaanka ay ku weerareen ciidamada dowladda, kaddib markii looga awood batay dagaalka caawa ka dhacay deegaanka Cumar-dheere, waxaana la sheegay inay dib ugu laabteen deegaan lagu magacaabo Bacaacow oo aan ka fogeyn deegaanka uu dagaalku ka dhacay, kaas oo kolkii hore ay kasoo weerar tageen. Wali majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadii caawa dagaalamay ee Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo sida aan xogta ku helnay weerar jid gal ah lagu qaaday xili ay kusii jeedeen deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimda@live.com Share this post Link to post Share on other sites