Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Ujeedada Safarka Uu Ku Joogo Dalka Jabuuti Iyo Goobo Muhiim Ah Oo Uu Booqday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay Dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku guda jira hawlihii shaqo ayaa maanta oo arbaca ah booqasho ku tegay aaga cashuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti, iyadoo lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.

14.jpg 13.jpg 12-1.jpg 11.jpg 9.jpg 8.jpg 7.jpg 6.jpg 5.jpg 4-1.jpg 3-1.jpg 2-1.jpg 1-2.jpg

Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaam biyood balaadhan oo laga wado Carta. Ugu danbayntiina waxa madaxweynaha iyo weftigiisu booqdeen deegaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinaayey masuuliyiin kala duwan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ujeedada safarka uu ku joogo dalka Jabuuti iyo Goobaha muhiimka ah oo uu booqday, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this