Deeq A. Posted September 4, 2019 Hobyo (SMN) – Shirkii mudooyinkii u dambeeyay ka socday magaaladda Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa lagu doortay hogaanka cusub ee Beesha Habar-gadiir. Laba murashax ayaa ku tartantay xilka gudoomiyaha guud ee Beeshaasi, kuwaasi oo ay u coddeynayeen 52 xubnood. Prof Cabdullaahi Maxamed Shirac ayaa helay 41 cod, halka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal uu helay 8; waxaana xumaadey 3 kale, sida uu guddigu shaaciyey. Xubno kala duwan oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay doorashadan, iyaga oo u hambalyeeyay murashaxa guuleystay. Shirka Nabadda Hobyo oo labadii bilood ee lasoo dhaafey socday ayaa waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo berri oo Khamiis ah, 5-ta bisha August 2019. Mas’uuliyiin sar-sarre oo dowladeeda sida ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu waramayaa in uu ka qeybgelayo furitaanka shirkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites