Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo ka digay arrin ay sababi karaan ciidamada DF ee Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay ciidamada ay Dowlada federaalka Soomaaliya ay geyso deegaano kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan maamul goboleedyadu u baahneyn ciidamo Muqdisho laga diro, balse ay u baahanyihiin dhismaha ciidan amniga deegaannadooda sugi kara.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ciidamada DF Soomaaliya ay Muqdisho ka dirto si ay howl-galo uga fuliyaan deegaano ka tirsan maamuul goboleedyada dalka, ay horseedi karaan bur-bur ku imaada dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdiraxmaan ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

“Ciidan Soomaaliyeed oo Muqdisho laga soo diro oo gobollada dalka hawla kasoo fuliya waxey ka mid ahayd sababihii horseeday burburka dalka.

Dawlad Gobaleedyadu uma baahnin ciidan kor looga keeno ee waxay u baahan yihiin dhismaha ciidan amniga deegaannadooda sugi kara.

Waxaan loo baahan yahay ciidan dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansan ee looma baahna ciidan damaca siyaasadeed ee madaxda markaas joogta ku shaqeeya.

Inta aanan meel kale loo dirin, ciidanka Muqdisho laga dirayo waa in ay shacabka Muqdisho ka badbaadiyaan canshuurta ay Al-shabaab Dekedda iyo ganacsiyada kale ka qaadaan.

Nidaam xukun oo xarun dhexe ka talis ah, ciidan hawada siyaasadeed ee madaxda talada heysa ku shaqeeya iyo hab dhaqan ka guul wadeynta ah waa tijaabo horay loogu soo hoogay, waana tan aan ku diiddanahay kooxda Nabad iyo Nolol la baxday”.

Hadalkan ka soo baxay Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay dhowaan dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Dhuusamareeb geysay ciidamo, kuwaasi oo ku biiri doono kuwa kale oo ka tirsan dowladda oo ku sugan magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this