Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka dhexeeya Kenya & Axmed Madoobe?

Recommended Posts

Deeq A.   

“Ma jirto aragti Kenya ku xireysa Axmed Madoobe marka laga reebo xaqiiqada ah  in uu yahay qofka ugu wanaagsan ee dhinacaas ka dammaanad qaadi kara nabadgelyadeena, taasina waa danteena, Arrintu waxa ay xiriir la leedahay xasiloonideena, horumarkeena iyo Nabadgelyadeena”

Peter Kagwanja-Jaamacadda Nairobi 

22 Bishii  August-2019 waxaa magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar ah u ah dowlad-goboleedka Jubbaland kadhacay doorashooyin kala duwan oo is khilaafsan kuwaas oo natiijadii kasoo baxday ay noqotay 3 madaxweyne, Axmed Madoobe oo 2013-2019 hoggaamiye iyo madaxweyne ka ahaa dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland, Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii hore ee Jubaland oo mar ay jaal ahaayeen Axmed Maxamed Islaan.

Doorashadaas  oo guddiga doorashada ee Jubbaland shaaciyey in uu ku guuleystay Axmed Madoobe waxa natiijadeedii diiday dowladda federalka ee Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo sheegay in hab-socodka doorashadu ahaa mid hal dhinac ah oo aan loo ogolaan dhinacyada kale in ay si furan ugu tartamaan, sidaas awgeedna aanay suuragal ahayn in ay hesho aqoonsi iyo sharciyad balse Kenya guusha Axmed Madoobe ayay u hambalyeeysay taas oo ahayd astaan yar oo kamid ah astaamaha muujinaya heerka faragelinta Kenya ee Arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay Qaanuun ahaan reebban tahay in dowladi faragelin ku sameyso arrimaha gudaha dowlad kale oo kamid ah QM.

Faragelinta ciidan ee Kenya ku soo gashay Soomaaliya

February 16-2011 laba Batalyan oo tiro ahaan u dhigmay 2400 oo askari ayaa kasoo gudbay xadka Soomaliya la leedahay Kenya iyaga oo taageero farsamo iyo mid xoog siinaya Jabhaddii Raaskaanbooni oo uu aas-aasay Sheekh Xasan Turki balse uu hoggaamiye dagaal ka ahaa Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) dabayaaqadii 2009 Jabhaddii Raaskaanbooni waxa ay la midowgii Jabhaddii Xisbul Islaam iyada oo ay hoggaamiyeyaal sare ka noqdeen Sheekh Cumar Imaan, Sheekh Xasan Dahir, Sheekh Xasan Turki iyo Axmed Madoobe

Ujeedka waxa lagu sheegay in Kenya xakameyso dembiyada Afduubka iyo dilka isugu jira oo kadhaca gudaha iyo xudduudka Soomaaliya iyo Kenya hayeeshee October-2011 rag hubeysan oo galay gudaha Kenya ayaa dilay Nin dalxiis ah oo u dhashay Ingiriiska waxa ayna qabteen xaaskiisii iyaga oo afduubtay xaaskii dalxiisaha Ingiriiska ah,  haweeney Faransiis ah iyo laba shaqaale gargaraar oo u dhashay Isbayn.

Dhacdadaasi waxa ay welwel badan ku dhalisay dhaqaalaha Kenya kasoo gala dalxiiska iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka NFD ee Kenya haysato oo xudduud la leh degmada Lamu balse falkaasi waxa uu Sabab macquul ah u sameeyey faragelinteeda ciidan ee Soomaaliya, 3 maalin kaddibna Kenya waxa ay shaacisay faragelinta Millateri ee ay ku sameynayso Soomaalia.

Sameynta Dhul katirsan Jubbooyinka oo u go’an Kenya (Buffer zone)

Sida ay shaacisay kooxda ka faaloota xasaradaha adduunka ICG xubno sare oo katirsan ciidanka KDF iyo siyaasiyiin uu kamid ahaa Wasiirkii difaaca ee Kenya Yuusuf Xaaji ayaa islagartay qorshe saddex af leh oo isugu jira Dagaal, dano Ganacsi iyo in Koofurta Webiga Jubba laga sameeyo dhul u gaar ah Kenya (Buffer zone) oo  ciidanka KDF u maamulo si dhammeystiran iyada oo danta laga leeyahayna tahay in dhaqdhaqaaqa Alshabaab loo riixo Waqooyiga Webiga oo ah deegaan laga heli karo awood ciidan oo kadhan ah Alshabaab.

Ujeedka dagaalka ayaa ahaa qabsashada dekedda Kismaayo iyo kasameynta dano-ganacsi iyada oo  siyaasiyiinta Beesha Ogaden ee xiriirka wanaagsan la leh Kenya ay fududeeyaan sida ugu sahlan ee Jubbaland u geli karto gacanta ciidanka difaaca Kenya, taasna waxa kulammaansanaa in siyaasiyiinta beesha Ogaden la siiyo ballan-qaadka awood ciidan iyo mid farsamo oo ay ku qabsadaan Jubbaland halka beelaha kale la siin wax qiimeyn ah si khilaafku uga sii dhex taagnaado Soomaalida dhexdeeda.

Diidmada Mareykanka ee sameynta Dhul u go’an Kenya oo kamid ah Jubbooyinka & Sababta

Diblomaasiyiin Mareykan iyo Ingiriis ah ayaa diiday in ay taageeraan qorshaha Kenya iyaga oo taas beddelkeeda kulataliyey madaxweyne Mwai Kibaki in uu taageero kana mid noqoto Kenya howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya Amisom balse taladaas waxa ay Kenya qaadatay laba sano kaddib markii qorshiheedii qayb ahaan hirgalay balse ay ka maarmi weysay taageerada Mareykanka iyo Ingiriiska, balse waxa ay qorshaha kudartay kaddib diidmada labadaas awoodood in ay xiriir dhow la yeelato laba Maliishiyo oo kala ah Raaskaanbooni iyo ciidan daacad u ahaa maamulkii Azania oo hoggaaminayey Prof Gaandi iyada oo labadaas Maliishiyaba ay kadhinac dagaalamayeen ciidanka Kenya illaa si rasmi ah Kenya u shaacisay faragelinteeda Milateri ee Soomaaliya halkaas ayuuna kazoo baxay in Kenya Axmed Madoobe in uu yahay Saaxiibka ugu fiican ee xaqiijin kara danaha Nabadgelyo, kuwa ganacsi iyo kuwa dhuleed ee Kenya.

Sida uu daabacay Wargeyska Standard Media wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya waxa ay sameysay Olole iyo dadaal diblomaasiyadeed oo intiisa badan kasocday daaha-gadaashiisa si Axmed Madoobe loo doorto mar kale iyada oo kafakareysa illaalinta Nabadgelyadeeda iyo danaheeda gobolka oo hadda si weyn isu soo taraya, taasina waa sababta keenta in ay kala boodaan danaha arrimaha dibadda ee Kenya oo hadda saaxiib weyn u aragta Axmed Madoobe iyo Itoobiya oo u aragta Madoobe saaxiib hore oo uu lahaa xukunkii hore ee Tigreegu.

Waxa kale oo Kenya u muuqday in dib u doorashada Axmed Madoobe ay kaalin fiican kaqaadan karto dadaalka Kenya eek u wajahan Arrinta badda Soomaaliya ee Kenya gelisay muranka taas oo go’aankeedu horyaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (International Court of Justice (ICJ).

In Kenya kadhex aragto danaheeda  dib u doorashada Axmed Madoobe waxa ay keentay in Itoobiyana kadhex aragto danaheeda in Madoobe lumiyo kursiga, waxa uu si dhow ula shaqeeyey Itoobiya isaga oo xubin ka ahaa Maxkamadihii Midoobay balse waa is beddelay markii uu billaabay in uu Kenya kalashaqeeyo la dagaallanka Alshabaab si ay ugu taageerto in uu qabto hoggaanka Jubbland  islamrakaana ku taageertay doorashdiisii muranka badan dhalisay ee 2013.

Hindisaha Kenya ee hirgelinta dowlad u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya (Buffer state)

1.jpg

2.jpg

3-1.jpg

Sida ay daabacday Africa Report Qorshaha hirgelinta dowlad gaar ah (Buffer state) oo deris la ah Kenya lana yiraahdo Jubbaland  Kenyana u taqaan Koofurta Soomaaliya waxa uu soo billowday horraantii sanadkii 2009.

Moses Masika Wetangula Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Kenya intii u dhexeysay 2008-2010 ayaa dadaal badan geliyey horumarinta aragtida hirgelinta dowlad go’doonsan oo u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, taas oo loogu talagalay in ay Mustaqbalka  u babac-dhigto loollanka u dhexeeya labada dal iyada oo taageero farsamo iyo mid ciidan ka heleysa Kenya.

Xaashiyo diblomaasiyadeed oo loo dusiyey Wikileaks ayaa muujiyey in sanadkii 2009 sargaal sare oo katirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanku uu u sheegay Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetangula in Mareykunka si adag uga soo horjeesan doono hindisaha Kenya ee  hirgelinta dowlad gaarka ah, isaga oo sababta kusheegay in hindisaha Kenya yahay mid xun oo uga sii daraya xaaladda nabadgelyada iyo xasiloona Soomaaliya, islamrkaana ay aragtidaasi lid ku tahay aragtida dejinta Soomaaliya oo Mareykanku qayb ka yahay.

Laba sano kaddib hindisaha hirgelinta dowlad gaarka ah (Buffer state)  oo ay Keynya dooneyso in ay kadhisto Koofurat Soomaaliya   waxa ay billowday faragelinta ciidan ee Soomaaliya, iyada oo taageero ka heleysa Mucaskarkii Raaskaanbooni oo markan uu hoggaaminayo wadaaygeeda ugu habboon ee Axmed Madoobe  waxa ay xoog saartay sidii ay Alshabaab uga saari lahayd Kismaayo oo ah meesha ay dhul ahaan ka hirgeleyso dowladdaasi, qorshuhu waxa uu ku billowday gacan ku haynta xarumaha muhiimka ah ee Kismaayo sida Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha kaddibna taageeridda dolwad awood leh oo kadhisanta gobolka.

Xigasho: Mustaqbal Radio

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this