Deeq A. Posted September 4, 2019 Hobyo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah golihiis wasiirada, gaar ahaan kuwii muddooyinkan dambe ku sugnaa deegaanada Galmudug. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la xariira sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka nabadda ee ka socda magaallo xeebeeda Hobyo ee gobolka Mudug. Shirkan oo muddo ka badan 50 cisho ka socda magaaladaasi, ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah beelaha daga maamulka Galmudug. Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho guud ay ka dhacdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites