Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan degmada Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah golihiis wasiirada, gaar ahaan kuwii muddooyinkan dambe ku sugnaa deegaanada Galmudug.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la xariira sidii uu uga qeyb gali lahaa shirka nabadda ee ka socda magaallo xeebeeda Hobyo ee gobolka Mudug.

Shirkan oo muddo ka badan 50 cisho ka socda magaaladaasi, ayaa waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah beelaha daga maamulka Galmudug.

Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho guud ay ka dhacdo gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this