Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan oo ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah looga fuliyey inta u dhexeysa deegaanada Sablaale iyo Imbareesa ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Sidoo kale lama oga illaa iyo hadda heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyey halkaasi.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya gobollada Sh/ Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this