Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Faranasiiska oo Somalia ka fuliyey howl-gal dhowr amiir iyo maleeshiyo badan looga laayey Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Faransiiska ayaa xalay howlgalo ka sameeyay degaano iyo degmooyin katirsan Gobalada Shabeelada Hoose iyo Jubada Dhexe, oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhanka Sirdoonka ah.

Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Faransiiska ayaa lagu qaaday Saldhigyo Ciidan, Xarumo tababar iyo goobo kale oo muhiim u ahaa Al-Shabaab, waxaana ku dhintay Saraakiil iyo dagaalamayaal badan.

Duqeynta ka dhacdey Shabeellada Hoose, gaar ahaan inta udhaxeysa Sablaale iyo Imbarayso ayaa la sheegey in lala beegsadey xaruun weyn oo lagu tababaro Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loogu yeero Jabhada ama Ciidanka Jugta Culus, halkaas oo la sheegey in maalmihii dambe lagu aruurinayey ciidamo tira badan oo katirsan Kuwa Jugta culus ee gala dagaalada foolka foolka ah.

Howlgalkan ayaa la aaminsan yahay in uu ku dhintey Saadaq Nuur Cabdi, oo loo yaqaano Xasan Nuur, islamarkaana ahaa Amiirka Guud ee Gobolka Galgaduud walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin geeridiisa, balse waxaa jira warar sheegaya in uu halkaasi ka khudbeynayay markii ay duqeynta dhaceysay.

Goob joogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka daran dooriga udhaca iyo madaafiicda culus oo tirada badan.

Dhinaca kale duqayn Xoog leh ayaa ka dhacday Gobolka Jubada dhexe, gaar ahaan duleedka Degmada Bu’aale waaxana bartilmaameedku ahaa Amiirkii Guud ee Tababarada Al-Shabaab Shekh Axmed Cumar oo caan ku ah Axmed Dhere iyo darawalkiisa, balse ma cadda in lala helay.

Sidoo kale, Degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe waxa la duqeeyay 2 Talis oo ay kala daganayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jugta Culus iyo kuwa Xisbada, waxaana lagu duqeeyay 2 Saldhig ay ka daganaayeen degmada Jilib ee Koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil dhawac ah ayaa lasheegey in ay halkaasi ka baxsadeen waxaan kamid ah sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Kumaandooska Soomaaliya-

  1. Macalim Mucaad, oo taliye u ah Xisbada Al-Shabaab
  2. Abuu-Sacad, oo ah madaxda Dacadaha Guud ee Jubbooyinka
  3. Iyo Abuu-Xamza Axmed, oo isagana ku magacaaban madaxa diiwaanka Jabhadda Al-Shabaab ama Ciidanka Jugta culus ee Al-Shabaab ka tirsan.

Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee taageera ayaa kordhiyay beegsiga goobaha muhiimka ah ee Al-Shabaab kasoo qaadaan weerarada tooska ah sida aan ka soo xiganay Xubno muhiim ah oo katirsan Kumaandooska Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this