Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka ammaanka gobolka Bari oo soo bandhigay dhalinyaro loo wadey Qandala.

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska qaybta booliska ee gobolka Bari ayaa warbaahinta u soo bandhigay tiro dhalinyaro ah oo ay ciidanku qabteen xilli loo wadey magaala beexeedda Qandala ee gobolka Bari.

Kooxdaan ayaa ciidanku gacanta ku soo dhigeen kadib markii waalidiintoodu ku soo wargeliyeen inay ka maqan yihiin iyadoona baaritaan la sameeyey kadib lagu soo qaqabtay iyaga iyo nin safrinayey.
Dhalinyarada la soo qaqabtay ayaa sheegay in nin uu u sheegay inuu doonayo inay u shaqeeyaan waxaana ay dowladda ka codsadeen in cafis loo fidiyo.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed ayaa waalidiinta uga mahad celiyey sidii ay u soo wargeliyeen isagoona sheegay inay baaritaano dheeraad ah samayn doonaan.

MAQAL CODKA

PUNTLANDPOST

The post Ciidanka ammaanka gobolka Bari oo soo bandhigay dhalinyaro loo wadey Qandala. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this