Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Si Rasmi Ah U Dalbatay In La Hakiyo Dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda Ee U Dhaxaysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairbi)-Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo la qorsheeyey in la dhageysto Isniinta soo sococta.

C1AC055B-2C56-44AE-A9AF-69F46CAF2CA4_cx0

Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in la siiyo wakhti ay ku qoroto qareeno cusub.

Dhinaca kale, warar diblomaasiyeed oo ay heshay warbaahintu ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda.

Dhageysiga dacwada ayaa waxaa qorshuhu yahay inay dhacdo 9-ka illaa 13-ka bishan oo ku beegan Isniin illaa Jimce.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this