Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday Falastiini Ah Oo Hore Looga Hor-Istagay Jaamacad Ku Taalla Maraykanka Oo Hadda Loo Ogolaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Arday reer Falastiin ah oo si muran dhalisay loogu diiday galitaanka Maraykanka bishii hore markii uu u tagay in uu billaabo jaamacadda Harvard ayaa hadda la aqbalay.

108606446_96a22940-a0af-4be3-85f4-435b4c

Ismail Ajjawi ayaa sheegay in loo diiday galitaanka Maraykanka ka dib markii hay’addaha qaabilsan arrimaha xadka ay muddo saacado ah su’aalo ku waydiinayeen garoonka Boston Airport, arrintaas ayaana daaranayd qoraal uu baraha bulshada soo dhigay saaxiibkii.

Wiilkan 17 jirka ah ayaa Isniintii xarooday jaamacadda Harvard, isaga oo ka gaadhay wakhtigii loogu talagalay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa bishii Juunyo ku dhawaaqday in dadka dal ku galka soo dalbanaya la waydiin doono macluumaad la xiriira barahooda bulshada.

Waaxda canshuuraha iyo ilaalinta xadka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CBP ayaa BBC-da u sheegtay Talaadadii in Ismaaciil uu ka soo baxay waxyaabihii horseeday in loo diido galitaanka dalka Maraykanka haddana loo ogolaaday in uu galo Maraykanka isaga oo adeegsanaya fiisaha ardayda ee F1 loo yaqaanno. Waaxdaasi faahfaahin kama aysan sii bixinin sababta markii hore loogu diiday, haddana loogu ogolaaday.

CBP ayaa diiday in ay faahfahin ka bixiso arrinta Ismaaciil oo markii u horraysay laga warramay bishii hore. Waxayna ku gaabsadeen in loo diiday in uu galo dalka “arrintaasina ay salka ku hayso xog la helay intii baaritanka ay wadday CBP.

Qoyska Ismaaciil oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ay nafis dareemayaan mar haddii wiilkooda loo ogolaaday in uu jaamacadda billaabo.

“Tobankii maalmood ee la soo dhaafay waxay ahaayeen kuwo adag oo kurbo nagu hayay, balse hadda waxaan aad ugu mahadcelinaynaa kumannaanka fariimood ee tageerada ah”, ayay qoraalkaas ku dhaheen.

Waxay intaas ku dareen in ay hadda rajaynayaan in Ismaaciil uu “diiradda saari doono fariisashada koleejka iyo hawsha muhiimka ah ee fasalka.

Hamzah Raza oo ay jaamacadda Harvard wada dhigtaan ayaa Twitterka soo dhigay isaga oo jaamacadda la jooga Ismaaciil.

Ismaaciil ayaa sheegay in masuuliyiinta waaxda socdaalku ay dal ku galkii kala laabteen ka dib markii ay garoonka Boston ku baareen taleefankiisa iyo laabtoobkiisa taariikhdu markay ahayd 23 Agoosto.

Wuxuu sheegay in loo diiday in uu galo Maraykanka inkastoo uu sheegay in uusan wax shuqul ah ku lahayn fariimaha ku jira baraha bulshada ee ay cuskadeen CBP.

Bishii Juunyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay billawday in dadka dal ku galka codsanaya ay waydiiso Magaca uu baraha bulshada ku isticmaalo e-mail-lo uu shan sano isticmaalayay iyo lambar taleefan.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa sharcigaas oo hindise ah soo bandhigay bishii Maarso ee sannadkii 2018.

Masuuliyiinta ayaa markaas qiyaasay in sharciga cusub uu saamayn doono 14.7 milyan oo ruux sannad walba.

Codsiyada qaar ka mid ah fiisooyinka dublamaasiyadeed iyo kuwa rasmiga ah ee dawladaha ayaa laga saamaxay shuruudahan cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this