Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Finland Oo Dib U Bilaabeysa Xidhiidhkii Ganacsi Ee Ay La Laheyd IIRAAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Finland)-Wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa xaqiijiyay in warar soo baxay maalmihii la soo dhaafay oo ahaa in Iiraan ay u furan tahay in dib ay u bilowdo shidaalka ay u dhoofin jirtay Finland.

1567543321935f7.jpg

Arintaan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay wado dowlada Faransiiska, si loo badbaadiyo heshiiskii Nuclear-ka oo wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan.

Mr Haavisto oo u waramayay majalada Financial Times ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida wadamada Yurub ay uga go’antahay badbaadinta heshiiskii Nuclear-ka ee loogu magac daray JCPOA.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, uu kulan kula qaatay magaalada Paris wasiirka arrimaha dibada Iiraan Maxamed Javad Zarif.

Kulankaan ayaa lagaga hadlay sare u qaadida heshiis ka ganacsi ee wadamada Yurub iyo Iiraan.

Dowlada Tehran ayaa maalin walba la filayaa in 700,000 oo barmiil oo shidaal ah in ay u dhoofiso dalalka Yurub, oo qiimo ahaan dhan 15 billion oo Doolar ka Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this