Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Kenya Kaga Adkaatay Codeyn Xalay Ka Dhacday Magaalada Addis-Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Soomaaliya ayaa Kenya xalay mar kale kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo la xidhiidhay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya-Somalia.jpg

Golahan ayaa ka hadlayey soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xidhiidha in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soo jeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in marnaba ayna dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ.

Golahan oo ka kooban 15 dal, ayaa codbixin ay qaadeen oo ku saabsan in ururka Midowga Afrika uu dhex-galo xiisaddan iyo in kale, ayaa Kenya waxaa ka raacay fashil weyn kadib markii ay guul ku gaadhi weyday codeynta.

Kenya ayaa u baahneyd inay raacaan 8 dal, hase yeeshee waxa ay heshay 6 cod, halka Soomaaliya ay ka heshay 7 cod. Hal dal ayaa ka maqnaa, halka dalka Morocco uu go’aan dhex-dhexaad qaatay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this