Deeq A. Posted September 4, 2019 (SLT-Addis Ababa)-Soomaaliya ayaa Kenya xalay mar kale kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo la xidhiidhay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Golahan ayaa ka hadlayey soojeedin ka timid dalka Kenya oo la xidhiidha in Afrika dhexgasho oo heer Afrikaan ah lagu xaliyo khilaafka iyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Warbaahinta ayaa ogaatay in Soomaaliya ay diiday soo jeedinta Kenya, kuna adkeysatay in laga warsugo go’aanka maxkamadda cadliga adduunka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada. Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in marnaba ayna dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ. Golahan oo ka kooban 15 dal, ayaa codbixin ay qaadeen oo ku saabsan in ururka Midowga Afrika uu dhex-galo xiisaddan iyo in kale, ayaa Kenya waxaa ka raacay fashil weyn kadib markii ay guul ku gaadhi weyday codeynta. Kenya ayaa u baahneyd inay raacaan 8 dal, hase yeeshee waxa ay heshay 6 cod, halka Soomaaliya ay ka heshay 7 cod. Hal dal ayaa ka maqnaa, halka dalka Morocco uu go’aan dhex-dhexaad qaatay. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites