Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haddii Ay Dawlada Jabuuti Ku Dhiirrato Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland Waxaa Hubaal Ah Inay Ummada Reer Somaliland Ka Heli Doonaan…” W/Q Wasiir Ku-Xigeenka Hore Ee Wasaaradda Qorshaynta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa la soo gaadhay Xiligii ay Labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Jabuuti ay si Rasmi ah ay u Furan lahaayeen Bog cusub oo Iskaashi kaasi oo ku salaysan Is-tixgelin iyo wax wada-qabsi u khidmeeya labada Ummadood iyo labada Dal.

Waxaa kale oo la soo gaadhay xiligii ay Dawlada Jabuuti garawsan lahayd in Jamhuuriyada Somaliland ay tahay mid Waligeed Jiri doonta ahaana doonta Jaarka ugu dhow dhinac kasta. Sidaas daraadeed ay haboon tahay inay Jabuuti ku dhiirrato inay Aqoonsato Qaranimada Somaliland inta aanay Dalal kale ugu horrayn.

Haddii ay Dawlada Jabuuti ku dhiirrato Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland waxaa hubaal ah inay Ummada reer Somaliland ka heli doonaan Abaal aan weligii duugoobin oo ay u aayaan Jiilalka soo socda ee reer Jabuuti.

Waxaa Hubaal ah in ay Ummada reer Somaliland gaadhi doonaan Himiladooda maalin maalmaha ka mid ah, sidii ay horeba ugu gaadheen Himiladoodii ay iskaga tuureen Taliskii Maxamed Siyaad Barre, sidoo kalana ay u gaadheen himiladoodii ahayd inay la soo noqdaan Madaxbanaanidoodii una dhisteen Nidaam Dawladnimo oo dhamays tiran.

Hadaba haddii uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhiirrado inuu Aqoonsado Jamhuuriyada Somaliland waxaa hubaal ah inuu dhaxal ma guuraan ah iyo abaal taariikhi ah uu uga tegi doono Shacbiga reer Jabuuti kaasoo ay guran doonaan midhihiisa inta Dunida guudkeeda la joogo.

Shacbiga reer Somaliland waa Ummad aan waligood iloobin cidii Abaal u gasha, sidaas daraadeed maanta ayay tahay maalintii Abaal la gashan lahaa Ummada reer Somaliland ee geesiyaasha ah ee Dalkooda dhistay iyaga oo aan cidna taageero buuran ka helin.

W/Q: Wasiir ku-Xigeenka hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mud. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this