Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka gaanshaandhigga Somalia oo haweeney u magacaabay xil sare (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amardambe) ayaa markii ugu horreysay haweeney u magacaabay in y xil sare ka qabato wasaaradddaasi.

Wasiir Amardambe ayaa Jihaan Cabdullaahi Xasan u magacaabay in ay si KMG ah u sii heyso xilka agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhigga.

Digreetada oo ku taariikheysnen 1/09/2019-ka ayaa waxaa looga dalbaday hay’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan sii haya agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jihaan Cabdullaahi Xasan.

“Waxaa maanta oo ay taariikhudu tahay 1/09/2019 si si kumeel gaar ah xilka agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga u magacaabay, Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan, taas oo bedaleysa agaasimihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga,Warsame Maxamuud Xasan oo si KMG ah u soo haayey xilkaasi.”ayaa lagu yiri qoraalka wasiir Amardambe.

Halkan hoose ka akhriso

magacaabis-pdf-725x1024.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this