Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigtay nin Boosaaso ka afduubtay caruur

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay nin illaa saddex caruur ah ka afduubtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Caruurtan oo ay muddo ah baadi goobayeen Ehelladooda ayaa laga soo qabtay xilli ninkaasi Dooni uu ku waday ay uga halaawday xeebaha Qanadala ee gobolkaasi.

Taliyaha Booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ninka afduubka geystay uu maskaxiyan xanuunsan yahay, islamarkaana uu waxba dhaamin caruurta, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu beeniyey in la doonayey in caruurtaasi loo askareeyo Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Dhankiisa ninka lagu soo qabtay afduubkaasi oo la wareystay ayaa qirtay falkan, wuxuuna Waalidiinta caruurta iyo Puntland ka dalbaday in la cafiyo.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay ciidanka Puntland gacanta ku soo dhigaan caruur afduub ahaan loogu hayey deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Booliska-Gobolka-Bari.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this