Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo saaka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Guddiga qaban qabaada shirkaasi ayaa sheegayin dhammaan ergada beelaha ka qeyb galaya shirlaasi ay ku sugan yihiin magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kahyre iyo qaar ka mid ah golihihiisa wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo in muddo ah diyaarintiisu ay watay xukuumadda Soomaaliya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad ah loo adkeeyey, iyadoo ay si weyn u xaqiijinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this