Deeq A. Posted September 4, 2019 Buulo-burte (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwaJabuuti ay ku leeyihiin duleedka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu xigay iska hor imaad toos ah oo dhex maray labada dhinac. Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Al-Shabaab iyo ciidamada Jabuuti ka soo gaaray weerarkaasi. Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa weerarka kadib howlgallo lagu soo qab qabtay 17 qof oo u badan dhalinyaro ka sameeyey agagaarka degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhalinyaradaasi qaarkood lagala dagay gaari ay la socdeen, islamarkaana la geeyey xerada uu dagaalku ka dhacay. Xaaladda ayaa saaka degan, welina wax hadal ah kama soo bixin maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites