Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb iyo shirka dib u heshiisiinta oo saaka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa lagu wadaa in saaka uu si rasmi ah uga furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guddiga qaban qabaadashirkaasi ayaa shaaciyey in dhammaan ergada beelaha ka qeyb galaya shirlaasi ay ku sugan yihiin gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa Dhuusamareeb ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kahyre iyo qaar ka mid ah golihihiisa wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furi doono shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug oo in muddo ah diyaarintiisu ay watay xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo ay si weyn u xaqiijinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la geeyey halkaasi.

Shirkan waxaa xigi doono arrimaha doorashada maamulkaasi, waxaana musharraxii ugu horreeyey noqoday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this