Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal sabab oo agaasimihii madaxtooyada HirShabelle uu isugu dhiibay Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” ayaa shalay ka soo muuqday Warbaahinta Al-Shabaab isagoo cod laga duubay uu ku sheegay in uu ka soo baxay wax uu ugu yeeray riddo, oo ula jeeday Maamulkii uu ka tirsanaa ee HirShabeelle.

Xasan Mahdi, waxa uu ahaa Agaasimihii Guud ee Madaxtooyada HirShabeelle waxaana la sheegay in bilooyinkii la soo dhaafay uu wajahayay xaalado aad u adag islamarkaana uu walaac ka qabay amaankiisa.

Caasimada Online, ayaa shalay illaa xalay baaritaano ay sameysay ku ogaatay dhowr qodob oo quseeya Xaaladda Xasan Mahdi iyo waxyaabaha la maleysan karo in uu Al-shabaab ugu tagay.

Waxyaabaha ay ogaatay Caasimada Online ayaa waxaa kamid ah:-

  1. In Xasan Mahdi, uu waligiis ka cabsan jiray Al-Shabaab ayna soo wici jireen masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo ay qaraabo yihiin kuwaas oo ugu hanjabi jiray in ay dili doonaan.
  2. In ay nolasha ku adkaatay markii xilka laga qaaday iyo intii uu haayayba, sababtoo ah HirShabeelle wax mushaar lagama bixiyo waxaana dadka u shaqeeya ay ku nool shaxaad iyo qaar is-dabara oo meelo kale wax kahela
  3. Iyo in Al-Shabaabkii u hanjabi jiray Xasan Mahdi ay la soo xariireen ayna ka dhaa-dhaaciyeen in uu Al-shabaab isu dhiibo oo uu heli doono amni iyo xorriyad.

Xogtaan waxay Caasimada Online ka heshay qaar kamid ah Saraakiisha maamulka HirShabeelle, hase yeeshee dhamaantoodba ma ahan qodobo uu ku dooran karo kamid noqoshada Al-Shabaab markii loo eego waxa ay yihiin Al-Shabaab.

Sababta ugu wayn ee ugu mid noqday Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay kaliya in ay tahay cabsi uu ka qabo Al-Shabaab iyo ballanqaad loo sameeyay oo ah in uu amni heli doono.

Sidoo kale Xasan Mahdi waxaa lasheegay in xubno kamid ah Qoyskiisa ay ku noolyihiin degaanada Maamulka Al-shabaab uuna ka maarmi waayay in uu u tago qoyskisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this