Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe oo albaabada ka xirtay musharaxiintii u jileysay doorashadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Mahad Xasan Cabdi oo loo yaqaano Yaxbul, ayaa amar ku bixiyay in aysan Madaxtooyada Kismaayo soo geli karin ballan la’aan, dhamaan Madaxweynayaashii la tartamay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe.”

Musharaxiintaan oo saaxiib dhaw la ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kalane qaarkood ahaa dad maqaar saar ah oo la tartamay Axmed Madoobe ayaa loo diiday in ay soo galaan Madaxtooyada Kismaayo sida ay noo sheegeen masuuliyiin katirsan Madaxtooyada magaalada Kismaayo.

Dadka loo diiday in ay galaan Madaxtooyada Kismaayo waxaa ku jira Musharaxiin aan ka qaybgalin doorashada, kuwaas oo iscasilay ka hor doorashadii Kismaayo ama inta aan hoolka doorashada la tagin balse is diiwaan geliyay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in masuuliyiinta loo diiday gelitaanka Madaxtooyada Jubbaland in ay kamid yihiin Maxamed Cumar Geedi, Musharax Raabi iyo Haweeneydii la tartantay Axmed Madoobe ee Canabd Maxamed Daahir iyo mas’uuliyiin kale.

Lama oga sababta ka dambeysay arrintaan, balse waxaa la aaminsan yahay in uu amarkaan ka soo baxay Axmed Madoobe islamarkaana uu doonayo in uu ku cadaadiyo siyaasiintaas oo doonaya in ay helaan xilal kale maadaama ay ka qayb-qaateen dhismaha iyo doorashadii Jubbaland ee ugu dambeysay iyadoo lagu dhagan yahay Axmed Madoobe.

Masuuliyiintaan oo aan qaarkood la xariirnay ayaa noo sheegay in aysan dooneyn in arintaan ay ka hadlaan balse waxay qireen in ay jirto, waxayse ku micneeyeen in ay tahay amar Taliska ka soo baxay oo aan la gaarsiinin Axmed Madoobe ayna qabaan in ay dhamaato.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this