Sign in to follow this  
Deeq A.

2 qof oo rayid ahaa oo lagu dilay degmada Shibis iyo war kasoo baxay Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo rayid ahaa ayaa xalay lagu dilay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Dadkan la dilay ayaa sida ay wararka sheegayaan waxaa dilkooda fuliyey koox bastoolado ku hubeysn oo dilka kadib goobta ka baxsatay.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka ayaa sheegtay inay dishay laba sarkaal oo ka tirsanaa Nabad Sugidda dowladda Soomaaliya, kadibna ay ka furteen bastoolado ay wateen.

“Ciidadamada Al-Shabaab ayaa degmada Shibis ku khaarijiyay laba kamid ah saraakiisha Sirdoonka Soomaaliya, laba bastooladoodna waa kasoo qaniimaysteen” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus ee afka Shabaab ku hadasha.

Degmada Shibis ayaa ka mid ah degmooyinka ugu amniga badan magaalada Muqdisho, waxaana dilkan uu imanayaa ayada oo maalmahan ay dilal qorsheysan ka yaraadeen Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this